Waxaan
qoraalkan ku faa qidi doonaa waa
maxay NFTs, sida ay u shaqeeyaan,
faa'iidooyinka iyo , khasaaraha jira, iyo waxa khubarada badankoodu u aaminsan
yihiin in NFTs ay yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah mustaqbalka lacagta
dijitalka ah.
Aduunka
maanta waxaa si xawliya usocda oo malinba malinta kadambaysa is badalaya waa maaliyadda iyo tiknoolajiyadda.
15
ki sano ee tagay waxaa malinba malinta xigta aan arkaynaa,horumarro aad ubadan oo ay ka mid yihiin maaliyada iyo dhijitaalka
ah, tiknoolajiyadda blockchain, iyo adeegyada lacageed ee aan u baahnayn
bangiyada dhaqanka.
Waxyaalaha
ugu cajiibsan ee sanadadan la arkay ee hal abuurada casriga waa NFTs wana midka
loogu hadal haynta badanyahay.
Ugu
horayn NFTs waxaa loo haystay aalad lagu gado farshaxanka dijitalka ah, balse
nasiib wanaag maanta waa tiknoolajiyad awood leh oo kuu beddeli karta habka aan
u maamulno lacagaha, u sameyno heshiisyada, iyodhamaan dhaaqalaha mustaq balka
qaabka aan umaamulno xitaa u maamulno.
Maxay
yihiin NFTs?
Xarfaha
NFT waxaa laga soo gaabiyaa ereyga Non-Fungible Token, taas oo micno
ahaan ah hanti dijital ah oo gaar ah,taas oo aan lagu beddeli karin hanti kale oo sideeda ah.
Hadaba
si aan isula fahano arrintan aan ku samayno isbarbar dhig laba nooc oo hanti ah.
Tusaale
ahaan lacagta caadiga ah iyo lacagta
crypto waa hanti la isku beddeli karo.
Matalan
haddii uu qofku siiyo laba Bitcoin,
waxaad haysataa lacag la qiimo ah labo Bitcoin
oo qiime ahaan la mid ah.
Balse
NFT-du way ka duwan tahay. Oo NFT kasta
wuxuu gaar uleeyahay oo uu kaga duwanyahay ka kale waa taariikh u gaar ah, iyo cidgaara
gaar ah oo iskale. Taas macnaheedu waa
in marnaba lagu badali Karin NFT kale
xitaa may ahaadan kuwo isu mida.
Ogow
markasta NFT-yada waxaa lagu kaydiyaa blockchain, kaas oo suga amnigooda :
Wuxuu xaqiijiyaa hufnaanta xogta
Wuxuu xaqiijiyaa caddeynta
lahaanshaha
Wuxuu xaqiijiya sugnaanta macaamilada
Wuxuu xaqiijiya ka hortagga been
abuurka
Qaabkay
Ayey U Shaqeeyaan NFTs ?
Badana
NFT-yada waa kuwo lagu sameeyo mareegta blockchain, waxaa inta badan lagu sameeyaa shabakado ogol heshiisyada caqligal ka ah.
Markasta
oo NFT la sameeyo waxaa lagu daraa xog
muhiim ah waxaana xogahaa kamida :
Xogta milkiilaha
Aqoonsiga milkiilaha ee gaarka ah
Magaca hantida
Wakhtiga iibka
Xuquuqaha isticmaalka
Hadaba
hadi qof iibiyo NFT, heshiiska caqliga
leh ayaa isla markaba si otomaatig ah u
wareejiya oo cadaynaya lahaanshaha.
Nidaamkani
waa mid aan marnaba loo bahanayn gacan dhexe xita wax baahiya looma qabo gacan dhexe oo diwaan
galisa hantida ama shirkado ,bangiyo iwm.
Waxyaalaha
keenay in NFTs- Lo aqoonsado Maaliyadda Dijitalka ee Mustaqbalka
Badana
NFTs markii uguhoraysay waxay kuso shaac
baxeen farshaxanka dijitalka ah,balse wakhti xaadirkan waxay noqdeen aalad dhaqaale oo awood
badanle.
Hadaba
si ay NFT- yadu u noqdaan tirarka dhaqaalaha ee dunidan casriga waxaa jira
dhawr qodob oo lagama mar maan u ah NFT- waxayna yihiin kuwan hoos ku qoran:
1.
Caddeynta Lahaanshaha Hantida
Dhibaatooyinka
ugu badan ee ka jira suuqyada dhijitalka waa in cida iskale lacagta la xaqiijo.
Balse NFTs waxay sameeyaan qaab fudud oo cida iskale lagu xaqiijinkaro
iyado waxba aan laga badalayn .
Qaabkani
wuxuu uwanagsanyahay dhanka:
Baaburta
Guryaha
Dokomentiga waxbarashada
Liisanada ganacsiga
Xuquuqda daabacaadda
Wakhti
xaadirkan hada wixii ka dambeeya waxay ubadantahay in dhamaan file kasta oo muhiimka ah lagu kaydiyo NFTs oo laga guuro
nidaamki hore oo dhan.
2.
Dhaqaale Aan Lahayn gacan dhexe
Dunidan
casriga lacaguhu waxay badana ku tiirsanyihiin hay’ado dhexda ah .
Meelaha
ay ku tiirsanyihiin waxaa kamida sida bangiyada,
shirkadaha caymiska iyo xarumaha maaliyadeed waxay,markasta na qaataan waqti
dheeri ah iyo kharash.
Balse
NFTs iyo blockchain waa fursad inoo abuuraysa in dadku si toos ah isugu
xidhmaan .
Tusaale
ahaan:
Cidkasto
oo Farshaxaniiste waxay si toos ah ugu gadin
karann shaqadoda isa taageerayaashooda.
Tusale
milkiile guri ayaa si toos ah ugu wareejin kara lahaanshaha qof kale.
Xita
dad ka qoraaga ayaa si cad uga heli kara dakhli markasto buuga dib loo gado.
3.
samaynta Suuqyo Cusub
Wakhi
xadirkan NFTs waxay sameeyen qabab cusub
cusub oo dhaqaale ah.
Waxaana yimid ganacsiyo badan oo ku saleysan lacagaha
dijital ah.
Ganacsiyada
soo baxayna waxaa ka mid ah kuwan hoos ku qoran :
Farshaxanka dijitalka ah
Ciyaaraha blockchain
Dhulalka virtual-ka
Tigidhada munaasabadaha
Muusikada dijitalka ah
Ganacsiyada
aan kor ku sheegnay ayaa la sadalinaya ina isbadalan waxayna u muuqdaan kuwo
xawli ku dhaqaaqaya mustaqbalka dhaw .
Warshadaha
Kala Duwan iyoNFTs
Waxaa jira warshado kala duwan iyo NFTS-YO waxaana kamida kuwan hoos ku qoran:
1. Farshaxanka
Wakhtigi
hore dad badan oo farshaxanleyaal ah ayaa dhibaato markasta kala kulmi jiray
ilaalinta xogtooda iyo xuquuqdooda .
Balse
wakhti xaadirkan NFTs waxay fursad usiiyeen inay helaan awood ay ku maamulaan dhamaan shaqadooda.
Sido
bkale waxay markasta la socon karaan iib kasta oo dhacaya mustaqbalka.
Arintani
waxay horumarin ku samaynaysa dakhliga xaga fanka.
2. Ciyaaraha
Dijitalka Ah
Wakhtiyadan
danbe meelaha ay aad ka usameetyeen NFT waxaa kamida ciyaaraha.
Kooxaha
ciyaartooyadoodu waxa muuqda oy yeelankaraan kuwan hoos ku qoran:
Hanti dijital ah
Dhul caadi ah
Gaadhiyaal gaar ah
Dharka u gooniya jilayaasha
Hantidan
aan kor ku soo sheegnay kaliya waxaa lagu gadi karaa suuqyada casriga ee
NFT-yada.
3. Waxbarashada
Jaamacadaha
iyo machadyada waxbarashada waxay isticmaali karaan NFTs si ay u bixiyaan
shahaadooyin dijital ah.
Tani
waxay yaraynaysaa:
Been abuurka shahaadooyinka
Kharashaadka maamulka
Waqtiga xaqiijinta dukumentiyada
4. Caafimaadka
Dhamaan
xogta la xidhiidha bukaanka ee cafimaadka waa la maamuli karaa iyado la
isticmaalayo NFTs.
Cidkasto
bukaan ah waxay si amaan ah umaamulankarta xogtiisa caafimaad.
Dhamaan
xirfadlayasha cafimaadka ee ka hawlgala isbitaalada hadi ay haystaan ogolaansho
waxay heli karaan xogta bukaanka.
Horumarka Web3 iyo NFTs
Jilalka
maanta waxay waxay haystaan kaalin muhiim ah marka aan ka hadlayno dhanka internetka
ama Web3, NFTs .
Shabakada
web3 waa fikradda sheegaysa in
isticmaalayaashu ay leeyihiin xogtooda.
Sido
kale markan fiirino NFTs waxay noqon
karaan aqoonsiga dijitalka ah ee qofka.
Xogaha
ay noo kaydiyaan waxaa kamida kuwan hoos ku qoran:
Aqoonsiga shaqsiga
Taariikhda waxbarashada
Xubinnimada ururrada
Xuquuqaha codbixinta
Hadaba
micnaha guud waa in cidkasta oo isticmaalaysi ay si dhamaystiran xogtooda
umaamuli.
Qaabkay
NFTs U Beddeli Karaan Bangiyada?
Wakhti
xaadirkan waxaa jira hawlo badan oo ay qabtaan bangiyada dhaqanka.
Hawlaha
ay bangiyadu qabtaan waxaa kamida kuwan hoos ku qoran:
Waxay bixiyaan amaahda
Waxay sameeyaan kaydka lacagaha
Waxay Wareejiyan lacagaha
Waxay Xaqiijiyaan macaamilada
Hadaba
hawlahan aan kor kusheegnay badankooda
waxay NFTs ka dhigayaan in lagu
qabto blockchain.
Waxaa
damad aamin ah loo isticmali kara in guri lagu matalo NFTs.
Wakhti
xaadirkan dad badan oo maalgashadayaal ah ayaa si wadajir ah u iibsan kara jajabyo
yar yar oo NFT ah.
Taasina
waxay sii kordhin kartaa jaanisyada helitaanka maalgashi.
Faa'iidooyinka
NFTs
Waxaa
jira faa,idooyin dhawr ah markaan ka hadlayno
NFT.
Waxaana
kamida qaybahan hoos ku qoran:
- Hufnaan
Sare
Dhammaan
xogaha dadka macamiisha waxaa lagu kaydiyaa blockchain.
Waana
fursad uu shaqsi kasta ku xaqiijin karo hantidisa iyo tariikhda.
- Sugnaan
Xaga
amniga marka la joogo blockchain waa hab adag oo si buuxda uga hortaga dhamaan weerarrada dhanka
internetka.
- Dakhliga
Joogtada Ah
Aasasayaalka
NFT-yada waxayna fursad u heli karaan
lacag mar kasta oo hantidooda dib loo iibiyo.
- Suuq
Caalami Ah
Meelkasta
oo caalamka kamida waxaa laga gadi karaa NFTs.
Dhamaan
cida ka ganacsanaysa looma baahna inay hal meela joogaan ama wadan gooniya
jogaan .
- Helitaanka
Maalgashi Cusub
Badana
dadku waxay awood uhelayaan inay maal gashan karaan hanti ayna horay uheli
jirin.
Caqabadaha Horyaalla NFTs
Waxaa
jira caqabado badan oo muhiim ah oo ay la kulmaan NFTs waxaana kamida
caqabadaha kuwan hoos ku qoran:.
- Isbeddelka
Qiimaha
Mararka
qaar qiiimaha NFT-yada ayaa si dag daga isu beddeli karaa.
Inta
badan qaarkood ayaa si aada kor ugu
kacaya islamarkana si degdeg ah hoos ugu dhacay.
- Sharciyeynta
Wadamada
qaar kood ayaa wali dajin sharciyo cad oo ku sabsan dhanka NFTs.
Arintaasina
waxay keenaysa hubanti la'aan dhanka NFTs.
- Khayaanada
Waxaa
lasameeya mashruucyo been ah oo laysu khiyaamo. badan oo been abuur ah.
Dadka
hantiileyasha waa in ay ka digtoonaadaan
.
- Faham
La'aan
Dadka
badankooda waxaa jira cilmilan,waxayna
fahambuuxa ka haysan dhanka NFTs.
Waxaa
lagama maar maan ah inay bartaan oo ay fahmaan.
Hantida Dhabta Ah iyo NFTs
Waxa
inta badan xiiso gooniyale waa marka la
isu xidhaayo hantida iyo NFTs ka.
Inta
badan waxaa lagumatali karaa NFTsk kuwan hoos ku qoran waxana kamida:
Waxa lagumatali karaa guri
Waxaa lagu matalikaraa beer
Waxaa lagumatali karaa dahab
Waxaa lagumatali kara saamiyo
shirkadeed
Waxaa lagumatalikara alaabo qaali ah
Kuwaasi
waa ku fudaydinkara wareejinta hantida iyo iibka.
Waxayna
xakamaynkaraan oo ay dhimikaraan kharashka maamulka.
Mustaqbalka
NFTs
Dadbadan
oo Khubaro ah waxay aaminsanyihiin in ay
san ahayn kaliya isbadal ku meel gaara
NFTs ku.
Waxay
aaminsanyihiin inay qaybka noqon karaan awooda dhaqalaha ee maliyada casriga ah.
Wakhtiyada
nagu soo foodle waxaa la sadalinaya in ay dhacaan is badalo waxaana kamid ah
isbadalada dhicidoona qodobadan hoos ku qoran:
Inla arko bangiyo adeegsanaya NFTs
Inay dowlado bixiyan dukumentiyo NFT
ah
Inay jaamacado isticmaala
shahaadooyin NFT ah
Inay bilaabman suuqyo cusub oo
hantida dijitalka ah
In lasameeyo shirkado waaweyn oo
qaata nidaamka Web3
Iyada
oo ay jiraan hoos udhacyo dhanka suuqa NFTs balse tiknoolajiyadda ka dambeysa wali waxay
leedahay awood weyn.
Ibadalada Taariikhaha wakhtigu wuxuu sheega in tiknoolajiyado badan ay la kulmaan xilli tijaabo amabase uu jiro qalalaase inta ay qaybo bulshada wali muhiim noqon.
Gunaanad
Ugu dambayn waxaad ogaata in NFTs aysan kaliya ku koobnayn sawirro dijital ah ama farshaxano lagu gadob internetka.
Waa kuwo utaagan nidaam cusub oo cadaynaya
lahanshaha.sido kale waxaa lagu abuuraa macaamil cusub iyo suuqyo dhaqaale oo
la jaan qaadaya dunidan casriga.
Waxana
jira dhibaatooyin la xidhiidha dhanka amniga,isbadalada qiimaha suuqa,iyo
dhanka sharciyada.
Balse waxaa cad oo aan la iska indho tirikarin
waa in ay NFTs ku ay awood buuxda uleeyihin oo ay badalaan lacagaha dijitalka
ah.
Hadaba
wxaa maqquul ah in cidkasta oo ganacsato
ah, maalgashadayaal ah,ama hal-abuure ah iyo cidkasta oo isticmaasha internetka waxaa laga yaabaa inay fursad mustaqbal oo dhow ka helaan nidaam
dhaqaale ee ku dhisan blockchain iyo NFTs.
Ugu
dambayn waxaad ogtaa hadi horumarka tiknoolojiyada casrigu ay sidan ku sii
socoto waxaa lagama maar maan ah in ay NFTs -yadu noqon donaan madal muhiim ah oo lagumaamulo
lahaanshaha xaqiijintaiyo maamulka hantida.
Sidokale
waxay ka qaybqadanayaan mustaqbalka dhaw samaynta jilalka cusub ee dhaqaalaha dunida
casriga.

0 Comments