hordhac
Qormadan waxaan
si fahfaahsan ugaga hadli doona su aalo badan oo la xidhiidha
Waa maxay
Bitcoin, Waxaan sidoo kale sharxi doonaa taariikhdiisa, sida ay u shaqeeyso,
faa’iidooyinkka bitcon, qasaaraha iyo
sababta ay wakhtigan dambe u noqotay mid
ka mid ah hantida ugu qiimaha badan dunida maanta.
Sanadihii u
dambeeyaywaxaa aad usoo caan baxay magaca Bitcoin wuxuu noqday mid si weyn looga
hadal hayo dunida maalgashiga, tiknoolajiyadda, iyo dhaqaalaha. Dad badan ayaa
maalinkasta maqla erayga Bitcoin balse
xaqiiqada ayaa ah wali si buuxda umay
fahmin waxa ay tahay bitcon, sida ay u shaqeeyo, iyo sababta ay muhiimka u noqotay.dadka
Qaar waxay u arkaan fursad maalgashi,
qaarna waxay u arkaan wax been abuura, dadka qaarna waxay u arkaan wax laysu
dhacayo oo halis, qarna waxay u maleeyaanba khataro laysu khiyaamo oo
internet-ka ka jira.
Waa Maxay Bitcoin?
Bitcoin waa
lacag soo caan baxday wakhiyadan dambe oo dijitaal ah (digital currency) oo
lagu kala iibsado internet-ka iyada oo
aan loo baahnayn bangi ama hay’ad dhexe. Waxayna sidoo kale ka mitahay lacagtaloo yaqaan
cryptocurrency wana lacagta ku jirta kalinta kobaad sababtoo ah waxay
isticmaashaa tiknoolajiyad sir ah (cryptography) si loo ilaaliyo macaamilada.
Bitcoin waa
hooyada lacagta crypto oo dhan waxaana la as aasay sanadkii 2009 waxana sameyay
qof ama koox isku magacowday Satoshi
Nakamoto,kuwaas oo Ilaa maanta, aanan la ogayn cidda ay yihiin ee dhabta ee ka dambeysay abuurista Bitcoin.
Bitcoin maaha
lacag muuqata sodo Kalana ma aha lacag
warqad ah sida doolarka ama shilin-ka.
Bitcoin male
maamul dhexe ama gacan dhexe oy marto sido Kalana maleh bangi dhexe oo maamula.
Dhamaan lacagta
cryptocurrency waxaa lagu kaydiyaa wallet
dijitaal ah.
Lacagtan
dijitalka ah ma jiro bangi maamula si toosa waxaa lagu kala diraa qof ilaa qof
.
Sidee Ayay Bitcoin U Shaqeysaa?
Dhamaan
lacagaha crypto eey Bitcoin kamid tahay waxay ku shaqeysaa tiknoolajiyad la yiraahdo (Blockchain).
Waa Maxay Blockchain?
Blockchain waa boors casriya waana buug xisaabeed dijitaal ah (digital ledger) oo diiwaangeliya dhammaan macaamilada Bitcoin.
Dhamaan xogaha waxaa lagu kaydiyaa blocks (qaybo xog ah) oo isku xiran, taas oo ka dhigaysa silsilad .
Markasta oo uu qofku diro lacagta crypto isla markaba macaamilka waxaa la xaqiijiyaa.
Waxaana lagu
daraa block cusub kadib block-kaas waxaa lagu xiraa blocks-kii hore.
Xogtaasna
kaliya waxaa arki kara dhammaan
shabakadda.
Balse arinta ugu muhiimsan waa in blockchain-ku yahay mid
dadweyne,oo ammaan ah,oo laysu halaynkaro oo aan la beddeli karin.
Maxaa Ka Dhigay Bitcoin Mid Gaar Ah?
Bitcoin waxay
leedahay sifaad ka duwan lacagaha caadiga ah:
1. gacan
dhexe Ma Leh:Bangiyada iyo dowladuhu ma xakameeyaan Bitcoin. Tani
waxay ka dhigeysaa mid xor ah oo aan ku xirneyn siyaasado dhaqaale.
2. waxaa
jira hada oo la ogyhay tiradeeda oo dhan:Waxaa la oggol yahay in la
abuuro kaliya 21 milyan Bitcoin. Tani waxay ka dhigeysaa mid naadir ah
(scarce), taas oo kor u qaadi karta qiimaheeda.
3. waa mid
amni fiican: Bitcoin waxay isticmaashaa cryptography adag oo ka
dhigeysa mid aad u adag in la jabsado.
4. dag
dag ayaa loo dirsankara:Waxaad Bitcoin u diri kartaa qof jooga dal
kale daqiiqado gudahood, iyada oo aan la marin bangi.
Sidee Loo Helaa Bitcoin?
Waxaa jira
dhowr siyaabood oo lagu heli karo Bitcoin:
1. Inaad soo gadato:Waxaad ka iibsan kartaa Bitcoin suuqyada crypto sida Binance,
Coinbase, ama suuqyo kale oo la isku halayn karo.
2.inaad
qodato ( Mining):qodashadu waa hab
lagu soo saaro Bitcoin cusub iyadoo la adeegsanayo kombuyuutarro awood leh.
Qofka mining sameeya waxaa loo yaqaan “miner”.
3. In
qofkale ku siiyo ama aad wax lagaaga gato:Ganacsiyada qaar ayaa aqbala
Bitcoin sida lacag lagu bixiyo.
Faa’iidooyinka Bitcoin
1. waa Fursad
Maalgashi:Qiimaha Bitcoin ayaa si weyn u kordhay tan iyo markii la
sameeyay. Dad badan ayaa ka sameeyay faa’iidooyin waaweyn.
2. waxaad
helaysaa Xorriyad Dhaqaale: Ma jiro qof joojin kara macaamilkaaga ama xayiri
kara lacagtaada haddii aad gacanta ku hayso wallet-kaaga.
3. waa sir
qarson:Inkastoo macaamilada la arki karo, magacaaga si toos ah looma arko.
4. hoos
udhigida Sicir Bararka:Maadaama tiradeedu xaddidan tahay, Bitcoin qaar
waxay u arkaan “dahab dijitaal ah” oo ka badbaadi kara sicir bararka.
Qasaarooyinka Bitcoin
Bitcoin waxay
leedahay faa idooyin badan balse sidoo kale waxay leedahay qasaare iyo khataro
badan :
1. qiima
heedu joogto ma aha:Qiimaha Bitcoin aad ayuu isu beddelaa. Maanta wuxuu
noqon karaa sare, berrina wuu hoos u dhici karaa.
2. waxay
leedahay xeerar kala duwan:Dalalka qaar ayaa mamnuucay ama xaddiday
isticmaalka Bitcoin.
3. weeraro
halis badan:Haddii aadan si fiican u ilaalin wallet-kaaga, waxaa dhici
karta in lagaa xado.
4. Faham laanta: Dad badan oo aan fahmin sida uu u shaqeeyo ayaa ku khasaaray
maalgashi degdeg ah.
Maalgashiga Lacagta Bitcoin
Inta aanad
maalgashan lacagta bitcoin waxaa fican inaad samayso daraasad cilmi baadhis ah
kadib Haddii aad rabto inaad bilowdo waxaa muhiim ah inaad raacdo talabooyinkan
Waa inaad Sameyso
cilmi baaris (research).
Waa inaad
galiso lacag aad lumin karto.
Waa inaad isticmaasho
wallet ammaan ah.
Waa inaad iska
ilaalisaa khiyaanada (scams).
Istaraatiijiyad
caan ah waa HODL (in la hayo muddo dheer), halkii laga sameyn lahaa ganacsi
degdeg ah oo khatar leh.
Mustaqbalka Bitcoin
Waxaa jaan
gooya mustaqbalka Bitcoin oo uu ku xiran yahay dhowr arrimood:
Ogolaashaha shirkadaha
waaweyn.
Shuruucaha dowladaha.
Isbadalada dag
dagaa ee horumarka tiknoolajiyadda blockchain.
Aaminada dadweynaha.
Wakhti
xaadirkan shirkado waaweyn iyo maalgashadayaal caalami ah ayaa hadda ku jira
suuqa Bitcoin, taas oo muujineysa in loo arko hanti rasmi ah.
In badan oo ka mid ah khubarada ayaa rumeysan in Bitcoin
noqon karto kayd qiime (store of value) sida dahabka, halka qaar kalena ay ku
doodaan in uu yahay hanti khatar sare leh.
Farqiga U Dhexeeya Bitcoin Iyo Lacagta Caadiga Ah
Bitcoin
maaha Lacag Caadiya sidokale Ma leh bangi dhexe oo maamula
Ilaa hada Tiradeedu
way xaddidantahay inta hada daabacan waa
la hayaa tiradeeda
Bitcoin waa
lacata ku jirta kaalinta kobaad ee lacagaha cryptocurrency sido kale waa
lacagta hooyada u ah dhamaan lacagtaas crypto.
Bitcoin Maleedahay Fursad Mise Waa Halis?
Ugu horayn Jawaabtu
waxay ku xiran tahay qofka iyo fahamka uu leeyahay cryptocurrency.
Haddii aad fasham
buuxa ka haysato oo aad si dagan
ugashato, waxay noqon kartaa fursad weyn.
Balse mid ogow
haddii wax faham ah aad ka haysan oo aad ku degdegto adigoon fahmin, waxay
noqon kartaa khasaaro.
Markasta ogow :
Marnaba hagalin
lacag aad u baahan tahay.
Waligaa ha
aaminin balanqaadyo iyo faa’iido degdeg ah.
Waa inaad
barata crypto iyo qaabka ay ushaqayso ka hor suuqa lacag galanin.
Gunaanad
Ugu dambayn Bitcoin
waa lacag dijitaal ah oo ku shaqeysa tiknoolajiyadda blockchain, taas oo u
oggolaaneysa in dadka isticmaalaya ay u isticmaalan si toos ah oo ammaan ah, iyada oo aan loo
baahnayn bangi ama hay’ad dhexe.
Laga soo
bilaabo ilaa 2009, Bitcoin waxay noqotay
mid ka mid ah hal-abuuradii ugu waaweynaa dunida ee dhinaca dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.
Hadi aadd
fahantana waxay leedahay faa’iidooyin sida xorriyad dhaqaale, ammaan sare, iyo
fursado maalgashi.
Balse hadi aad
faham buuxa ka haysan Sidoo kale waxay leedahay khataro sida qiimoaa jogto
ahayn oo isbedal badan iyo
suurtagalnimada in la weeraro oo lajabsasho ama lagusameyo khiyaano.
Hada gabogabadi
waxaan kuleehay haddii aad rabto inaad fahanto dunida dijitalka, cryptocurrency,
inaad fahamta Bitcoin waa tallaabada ugu horreysa sidokale waa aasaaska
crypto-da oo dhan, waxaana loo yaqaana waa hooyada lacagta crypta oodhan . cryptocurrencies.
Akhriste hadi
aad aad halkan soo gaadhay lacagaha crypto ma aha lacag kaliya balse waa hal abuur cusub oo ku saabsan sida dunidu ushaqayso iyo
lacagaha mustaqbalka ee ku shaqaynaaya tegnolojiyda casriga.

0 Comments