Suuqa lacagaha dijitaalka marka aynu ka hadalayno kor u kaco waxaa jira dhowr sababood oo muhiim ah oo saameyn weyn ku leh qiimaha Bitcoin, lacagaha kale ee crypto-ga. si aad u fahanto  Hoos ka fiirii:-

Waxaan ku sharaxayaa waxyaabaha ugu waaweyn si fudud oo kooban:

1.Dalab iyo Dalabo badan (Supply & Demand)Marka dad badan rabaan inay iibsadaan crypto,   qiimuhu wuu kordhaa. Haddii dalabka ku badan yahay sahayda, sicirka wuu sareeyaan.Tasi ayaa sababaha ugu waaweyn ee loo cuskado.

2.Warar Wanaagsan oo Suuqa oo kusoo kordha warbixinada Wararka sida:Shirkado waaweyn oo maalgelin ku sameeyaSharciyo cadeynaya ama ansixinta caalimiga ee suuqyada crypto.

3 Dalal qaata isticmaalka Bitcoin/cryptoArintani waxay keeni karaan in kalsoonidu sareyso oo qiimuhu kaco

4.Maalgashi Institutional (Institutional Investment)Iyadoo ay maal-geliyeyaasho waaweyn suuqa dhijitaalka soo gaalan sida bangiyada, hedge funds, iyo shirkadaha tech, marka ay bilaabaan inay iibsadaan crypto, waxay keenaan lacag badan oo suuqa gasha, taasina waxay kor u qaadaa qiimaha.

5.Fikrada Dadweynaha (Market Sentiment)Marka warbaahinta, falanqeeyayaasha, ama bulshada crypto ay si wanaagsan uga hadlaan suuqa, taasina waxay sababtaa in dad badani iibsadaan, taasoo keenta kor u kaca suuqa.

 6.Sicirka Caalamiga ee Lacagaha Kale Haddii dollar-ka Mareykanka uu daciifo, ama suuqa   saamiyada uu yahay mid aan degganayn, dadka qaar waxay u wareegaan crypto iyagoo ka dhiganaya sida badbaado dhaqale, taasina waxay kordhisaa qiimaha suuqyada crypto.

 7.Horumar Teknooloji (Technological Advancements)Marka barnaamijyo cusub ama dib-u-habayn lagu sameeyo updates (sida Ethereum 2.0), layer-2 solutions, ama isticmaal baaxad leh oo blockchain ah ay soo baxaan, dadku waxay u arkaan crypto mid faa’iido leh, waxayna lacag gelinayaan suuqa.

8.Faa’iidooyinka Suuqa (Market Liquidity)Marka suuqa uu leeyahay lacag badan oo la gadan karo/la iibin karo, dadka ayaa si fudud u maalgashan kara, taas oo sidoo kale kor u qaada sicirka.

9. Halista iyo Volatility

Suuqa crypto waa mid si dhakhso ah isu beddela, sidaasi darteed waa inaad la socotaa.

●Iibsasho ballaaran

●Ogeysiis sharci

●Farsamo ama warar domino ahWaxay sababi karaan koror degdeg ah

Qiimaha crypto wuxuu kor u kici karaa marka:

Dalabka crypto ukordho

Warar wanaagsan suuqa gaadhaan

Maalgashadayaal waaweyn soo galaan

Kalsoonida dadka ay sare u kacdoDhanka kale, suuqa waa mid aad u firfircoon oo is-beddel badan, sidaa darteed korodh la filayo mar walba ma aha mid habbon tusaleyashan hoose ayaa Qeexaaya mid walba sida uu u saameeyo Korodhka iyo hoos udhaca suuqa.

Tusaale 1: Bitcoin – Maxaa ka dhiga inuu kaco?

1. Bitcoin Halving

    4-tii sano mar, abaalmarinta macdanta Bitcoin waa la yareeyaa

Tani waxay yaraynaysaa Bitcoin cusub oo suuqa soo gala

Dalabku wuu sii jiraa → sahaydu way yaraataa → qiimaha wuu koraa

Dib hadan u eegno Taariikh ahaan:

Bitcoin badanaa kor u kac weyn ayuu sameeyaa mudooyinkaasi 4 sano ah

2. ETF & Shirkado Waaweyn

Marka Shirkado waaweyn iyo Companiyada qaarkood ama bangiyo waaweyn sida BlackRock, MicroStrategy) ay Bitcoin iibsadaan → kalsoonida suuqa way kacdaa dad badan ayaa raaca qiimo kicitaan.

Tusaale Ethereum Maxaa sababa kororkiisa?

Updates koriin & Horumar Marka Ethereum sameeyo

Updates ama koriin ay sameeyan shirkadaha ku xiran sidaa

(Merge, Shanghai, iwm)

Dadku waxay u arkaan mid waxtar leh, markaasay iibsadaan

Dhinac kale Qaar ka mid ah ETH-ga la isticmaalo waa la gubaa (burn)Taasi waxay yaraynaysaa ETH jira

Haddii dalab jiro qiimaha wuu koraa

Sidee Loo Gartaa Suuqa inuu Kor u Socdo?

Waxaa jiraa Calaamadaha Wanaagsan ee tilmaama koriinka suuqa sida

Bitcoin iyo Ethereum oo jebiya qiimahoodii hore (resistance)

Volume (ganacsi) oo kordha

Warar wanaagsan oo soo baxa

Dad badan oo crypto ka hadlaya (social media)

Fear & Greed Index

Marka laga yimaado kor ukaca iyo Hoos udhaca arimahan haddan waxaa laga ma maaran ah qododobadan inuu Qofku ku bararugsanado

Digniin: Ha ku Degdegin Mararka qaar suuqa

Waayo wuxuu u koraa si degdeg ah

Kadibna si lama filaan ah ayuu u dhacaa

Talo guud

Ha gelin lacag aadan lumin karin oo aadan ka maar samayn nolol ahaan samee farsamooyin kala duwan sida

U qaybi maalgashiga halis iyo dhigaal

Baro technical analysis & fundamental analysis